Since 1960 – war deg deg ah: ganacsatadii lagu afduubay deegaanka buuhoodle oo la sii daayay

War Deg deg ah: Ganacsatadii Lagu Afduubay Deegaanka Buuhoodle oo La Sii Daayay

Friday, 25 January 2008

Sample ImageBurco (SN)- Afar nin  oo ganacsato  ah oo niman dhalinyaro   ahi ka afduubeen   tuulada  Sararweyne   oo 70km  ka xigta degmada Buuhoodle , ayaa Maanta laga sii daayay   budhcadii  afduubtay.

Sida uu ku soo waramayo  weriyahayaga  gobolka Togdheer   Odayaasha Buuhoodle ayaa  ka soo furdaamiyay ganacsatada iyo gaadhi Landcruiser ah oo ay   wateen oo dablaydu ku  afduubtay , isla markaana Maanta ku  wareejiyay odayaasha  tuulada Qorilugud.

 

Afartaas   nin oo la kala yidhaa Maxamed Aadan  Weris , Rabiic Cabdi Xirsi, Cali Cabdillaahi Cumar iyo Cabdi  Maxamed Cumar , waxa isla  Caawa   ;agi spp wareekouau  Maamulka gobolka  Togdheer,  waxaanay u mahad naqeen Odayaasha   degmada Buuhoodle  oo gacan weyn  ka gaystay  sii dayntooda.

 

dablayda afuudbka gaysatay ayaa warku sheegay in ay ku andacoonayeen  in sababta ay u afduubteen   ganacsatada   ay tahay iyaga oo doonayay  in loo sii daayo   Maxaabiis  ku  xidhan xabsiga Mandheera   oo lagu qabtay   weerarkii ka dhacay Dhabansaar ee   Maleeshiyada Butland   ku soo qaaday ciidamada Somaliland  ee jiida hore, hase yeeshee Odayaasha   Buuhoodle   ayaa ku qanciyay    dhalinyarada   in arrinaasi  tahay  mid u dhaxaysa  Laba dawladood  oo aanay u oolin  iyaga ,  sidaasna   faraha  uga qaadaan ganacsatada.

 

Source : Somaliland Nation

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *